Diyaarad Laga Celiyay Hawada Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya, in Saraakiisha Maamulka Hawada Somalia ay u diideen diyaarad ay leedahay shirkadda duullimaadyada Jetways oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya….

Diyaaradda oo siday ilaa 80 rakaab Somali ah u badan ayaa waxaa soo kireeyay safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya, waxaana la sheegay in lagu tuhmay iney Shixnad qaadka ah siday, sida ay sheegeen sarkaal magaciisa ka gaabsaday.

Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradda iska leh ee Jetways oo markii ay diyaaradda duushay helay xogta ah in Khaad la saaray ayaa la xiriiray hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee Kenya “KCAA”, balse xilliga Kenya ay xiriirka lasoo sameeyay diyaaradda waxay kasoo baxday hawadeeda, waxayna usoo gudubtay dhinaca Soomaaliya. Waxayna taasi keentay in madaxda Shirkadda diyaaradda iska leh ay lasoo xiriireen haya’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya, waxaana diyaaradda dib loogu celiyay Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday Jaadka , inta lagu guda jiro la dagaallanka xanuunka COVID-19.

49970cookie-checkDiyaarad Laga Celiyay Hawada Somalia