Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Oo Ka Guuray Hoygiisa

Somalia news

Kadib Weerarkii u ku qaaday Hoteelka Maa’ida Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo, ayaa waxaa la sheegay in Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ay soo food saartay cabsi xoogan oo xagga amaankiisa ah…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Gudoomiyihii Muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Mursal ayaa ka guuray gurigii Uu ka degenaa dhabarka dambe ee Madaxtooyada Villa Somalia Ee dhinaca Boondheere, kadib markii uu qeyb ka noqday Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Maa’ida Mogadishu.

Mursal ayaa degenaa Guri ka baxsan xeyndaabka Madaxtooyada oo u dhow Xarunta Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo guuritaanka uu dhacay habeenimadii Jamcaha soo galeysa wax yar ka hor inta aan weerarka lagu qaadin Madaxweynayaashii hore.

Ilaa hadda lama sheegin sababta habeen madow uu guureeyo Mr.Mursal, balse waxaa markhaati ma doonto ah in xiligaan uu Isbaheysi Uu Gudoomiyihii hore kala dhaxeeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Magaalada Mogadishu ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay gashay jawi colaadeed, kadib weerarkii Hoteelka Maa’ida iyo Rasaaseyntii Banaanbaxayaasha, iyadoo Madaxda Dowladda Federaalka ay isku uruursadeen Madaxtooyada halka Midowga Musharixiinta ay degan yihiin Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu.

96550cookie-checkGudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Oo Ka Guuray Hoygiisa