Sidee Xal looga gaaraa Ganacsatada Caasimada & Dhibaatada Dhaqaalaha ay Bixiyaan

Somalia news

Waxaa marqaati ma doonto ah in Xili adag ay wajahayaan Ganacsatada Caasimada, kuwaasoo xiligaan labada dhagax dhexdood ku jira (dil iyo xarig) ama u dhaxeeya, waxaana sabab u ah in muddo dheer macaamil dhaqaale bixin ah la lahaayeen Kooxda Shababka, kuwaasoo xitaa aan ku badbaadeynin bixinta baada, waxaana sii dheer in Saraakiisha Dowladda ay ku soo biireen culeysyada lagu hayo Ganacsatada…

Kooxda Argagixisada ayaa xaqiiqo ah iney Malaayiin US$ ah ka hesho bishii Ganacsatada Soomaaliyeed, dhaqaalahaan ayaa la qiray in bixinteeda ay sabab u tahay jiritaanka iyo faafinta afkaarteeda qalafsan, Dilalka iyo dagaalada ay sii wadaan, Lacagahaan Dadka lagu dilay waxaa ka mid ah kuwii bixiyay ama ehelkooda.

Xiligaan Waxey Dowladu qaaday olole dagaal oo dhowr waji leh oo ka dhan ah Kooxda Argagixisada iyo Ganacsatada, mid ka mid dagaaladaan wuxuu salka ku hayaa sidii loo wiiqi lahaa awooda dhaqaale ee kooxda, iyadoo Hey’adda NISA ay xirtay tiro kor u dhaafeysa 40-Qof oo isugu jira kuwa dhaqaale u waday kooxda, qaar dacwado loogu yeeray iyo kuwo cadaalad u raadsaday, kuwaasoo aan wax maxkamad ah la soo taagin muddo bil ka badan.

Hadaba, waxaa Dad badani ay qabaan in Ololaha Dowladu ay ku bartilmaameedsaneyso Ganacsatada uu yahay mid lagu naafeynaayo ilaha dhaqaalaha kooxda, waxeyna ku habooneyd in Ganacsatada kulamo loo qabto, digniino loo diro, maxaa yeelay Maamulkii Farmaajo ayaa howshaan ka gaabiyay kuna dhiiri geliyay Ganacsatada iney cabsi nafeed darteed ay dhaqaale u bixiyaan.

220810cookie-checkSidee Xal looga gaaraa Ganacsatada Caasimada & Dhibaatada Dhaqaalaha ay Bixiyaan