Somaliland oo Maleeshiyo-Beeleedyo hor leh geysay Degaanka Oog, kuna Hanjabtay Dagaal..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Oog ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland uu ku soo bandhigay Maleeshiyo-beeleedyo hor leh oo ay ku daadgureeyeen jiidda degaanka Oog ee Gobolka Togdheer, halkaasoo ay isku horfadhiyaan Xoogaga maamulka SSC-Khaatumo ee 25-kii bishii hore qabsaday Laascaanood…

Maalmahaan ayaa Degaanka waxaa Maleeshiyo beeleedyo ku soo uruurinaayay Qeybaha Maamulka, Mucaaradka iyo Beelaha qaarkood, iyadoo Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa ku sifeeyay jabkii Xoogaga Somaliland kasoo gaaray dagaalkii Laascaanood mid lamid ah dagaalkii UXID ee saaxiibada Nebi Muxamed (NNKH).

Waxaa kaloo ka hadlay Taliyaha Xoogaga Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqani Mohamud Caateeye ayaa hadallo u jeediyay Maleeshiyaadka cusub ee la geeyay jiidda Oog iyo kuwii ka haray firxadkii Jabkii Goojacadde, Waxay sheegeen in ciidanka uu dhowaan duulaan ku qaadi doono magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo ay sheegeen in kooxo is aruruursaday ay qabsadeen.

275890cookie-checkSomaliland oo Maleeshiyo-Beeleedyo hor leh geysay Degaanka Oog, kuna Hanjabtay Dagaal..