Share the post "Guudlaawe Oo Oggolaaday Inuu Ka Noqdo Taageeridiisii Muddo Kordhinta"
Kadib markii Xalay Kulan is-xogwareysi ah uu dhex maray Madaxweynayaashii hore ( Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif) iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabelle, iyadoo su’aalo looga weydiiyay sababta ku riixday Mr.Guudlaawe inuu taageero muddo Kordhinta Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo….
Ilo wareedkaan ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.con news in Kulankaan oo ahaa mid lagu tashkiilinaayay Mr.Guudlaawe inuu ka noqdo go’aanka uu ku taageeray Muddo Kordhinta Farmaajo, wuxuuna sheegay in go’aanka si uu ahaa mid uu ku degdegay kadib culeysyo ay wada saareen Farmaajo iyo Fahad haatan uu diyaar u yahay inuu ka noqdo.
Wararka ayaa sheegay in Caawa Kulan guud Afur ah ayaa lagu qaban doonaa Hoteelka Jasiira, waxaana wada yeelan doona Siyaasiyinta, Odayaasha Dhaqanka, Xildhibaano, Waxgaradka Beelaha Mudulood kuwaasoo si wadajir ah u soo saari doono mowqif mideysan oo ku aadan Muddo Kordhinta 2-da sano Ee ay sameysteen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo baaq kama dambeys ah oo loo jeediyo Macangaga Villa Somalia.