Mas’uul Lagu Weeraray Hoygiisa Magaalada Ceel Waaq

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay uu degmadaasi ka dhacay qarax laga maqlay inta badan xaafadaha degmadaas, kaasoo dhaliyay Dhaawacyo iyo burbur hantiyeed..

Weerarka Qaraxaan ayaa ahaa mid la dhigay afaafka hore hoyga uu degmadaasi ka degan yahay Xasan Cali Xasan, Madaxa Waxbarashada ee Degmada Ceelwaaq, kadib markii uu diiday inuu furo albaabka Guriga, iyadoo xubno aan heybtooda la aqoonsan ay soo garaaceen.

Sarkaalka ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay “Dhowr jeer ayay u soo hanjabeen kooxaha argagixisada, isagoo dareenkaasi qaba ayaa 2-dii habeenimo ee xalay guriga lagu soo gargaraacay, shaki ayaa galay, wuuna diiday inuu albaabka ka furo.” Ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle oo la hadlay Universaltv.

Waxa kaloo uu yiri “Waxay isku dayeen inay guriga u dhacaan, markii ay taasi u suurtageli weydayna waxay qarax dhigeen meel ku beegan daaqadda qolkii uu seexanayay, si xun ayayna ugu dhaawacmeen Xasan Cali, Xaaskiisa iyo wiil sideed jira, oo uu dhalay.” Ayuu yiri Aadan Rufle oo intaa ku daray in qaraxa uu burbur ka soo gaaray gurigii uu deganaa ninkaasi.

132050cookie-checkMas’uul Lagu Weeraray Hoygiisa Magaalada Ceel Waaq