Haamo Ku Soo Caariyay Xeebta Degmada Cadale

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Xeebta degmada Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku soo caariyeen saddex haan oo afka ka xiran waxeyna walaac ku abuurtay dadka degaanka….

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Haamankaan ilaa shalay ay yaalaan xeebta lamana oga waxa ku jira hase yeeshee dadka degaanka ayaa dalbanaya in la baaro si loo ogaado waxa ku jira, iyagoo cabsi xoogan ka qaaday in Haamahaan ay ku jiraan Walxo Kiimiko ah ama haaraga Sunta Kiimikada ee Isbitaalada Dalalka Reer Europe kuwaasoo 15-sano ka hor suntaasi ku shubi jiray Xeebaha Somalia…

Waxaana Baaq loo diray Dhamaan Hey’addaha kala duwan Ee UN-ka iney ka qeyb qaataan baarista iyo ka gungaarista Haamahaan ku soo caariyay Xeebaha Degmada Cadale.

126450cookie-checkHaamo Ku Soo Caariyay Xeebta Degmada Cadale