Gabar 13-Sano Jir Oo Koox Cabtooy ah Ku Kufsadeen Xero ku Taal Degmada Garoowe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee maamulka Puntland, ayaa sheegaya in Koox ku labis dareeska Xoogaga Amaanka ay kufsi wadareed u geysteen Gabar yar oo 13 jir ah oo ka mid ahayd Dadka barakacayaasha ah ku nool Degmada…

Sida aan kasoo xiganay Warbaahinta Puntland iyo Dad goob joogayaal ah, falkaan ayuu Talaadadii tagtay ka dhacay xero barakac ah oo lagu magacaabo Jiingadaha, Koox falkaan ka dambeysay ayaa gabadha kalasoo baxeen aqalkii ay ku jirtay.

Ehelada iyo Dadka degan Xaafadda Jiingadaha oo isku dayay inay ka celiyaan gabadha, waxeyna lagu handaday qori caaradiis, waxaaana lagu kufsaday iyaga hortooda, Dadka xaafadda ayaa inoo sheegay in gabadha hooyadeed sanad kahor ay ku geeriyootay rasaas ay ka dambeeyeen kooxo cabtoy ah.

309390cookie-checkGabar 13-Sano Jir Oo Koox Cabtooy ah Ku Kufsadeen Xero ku Taal Degmada Garoowe..