Xifaaltanka UAE & Qatar Oo U Talaabay Hollywood

Somalia news

Film-ka “The Misfits” Ee ay maalgeliyeen soona saareen Dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhaleeceeyay iney in muddo ah gacamaha kula jireen “dhiiri-gelinta Islaam naceybka” Ee xiliyadaan dambe ka taagan Jasiirada Carabta iyo guud ahaan dunida Muslimiinta…

Iyadoo soo saaraha iyo Qoraaga uu yahay Muwaadin u dhashay UAE magaciisa lagu sheegay Mansoor Al-Dhaheri, Film-kaan ayaa inta badan diirada lagu saaray Abuu Dhabi iyo Jazeeristan oo loola jeedo Dalka Qatar, Film-ka Waxaa laga jiray koox Tuugo ah kuwaasoo Malaayiin Dollar ka xadaaya Jazeeristan oo loola jeeda Qatar ama TV-ga AlJazeera.

“The Misfits” oo lagu qeexay in Qatar ay geed fadhi u noqotay kooxo Ikhwaanul Muslimiin ah iyo Al-Qaida, iyagoo (Qatar) lagu eedeeyay iney maalgeliyaan argagixisada Caalamiga, waxaana mandaqada Bariga Dhexe lagu sifeeyay Gobol ay hareeyeen Colaad, rabahado hubeysan iyo Aafooyin, Film-ka Guud ahaan magacyada Carabta ayaa si guud loogu maadeysanayaa.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Shirkadda Hollywood ay ku lug yeelato is-qabqabsiga hoose ee u dhaxeeya Dowladaha Khaliijka iyo si la mid ah faafinta Islam naceybka, sanadkii 2006-dii Dukumenteri cinwaan looga dhigay “Reel bad Arabs” ayaa lagu laga guray in ka badan 1000 Film oo tilmaamo xun lagu muujinaayo Dadka degan Bariga dhexe.

126490cookie-checkXifaaltanka UAE & Qatar Oo U Talaabay Hollywood