Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Maqaayada Muqdishu

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray, kaasoo isku qarxiyay albaabka hore Ee maqaayada lagu magacaabo Jalaato Devino oo kutaala laamiga aada Garoonka Aadan Cadde….

Xogta khasaraaha ayaa sheegay in Dhalinyarada ku geeriyootay ay gaaraya an ilaa 10-qof halka dhaawacana lagu qiyaasay 10-qof, waxaana ka mid ahaa Sarkaal ka tirsan waaxda Socdaalka qeybta Safaarada Somalia Ee Addis Ababa, Mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa sheegtay iney ka dambeeyaan Kooxda argagixisada Shababka.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in weerarkaasi waxaa fuliyey naftii halige isku soo Xiray walxaha qarxa , kaasoo isku qarxiyay albaabka hore, iyadoo Maqaayada aysan laheyn ilaalo hubeysan, balse albaabka ayaa xiligaasi waxaa taagnaa Qof heysta Machine-ka dadka lagu baaro, kaasoo uu ka diiday in la baaro kadibna isku qarxiyay.

Maqaayada ayaa markii weerarka uu dhacayey waxaa ka jira mashquul, iyadoo si gaar ah habeenka Jimcaha ah uu ka mashquul badan yahay habeenada kale, waxaana ku kulmi jiray Xubno ka tirsan Xildhibaanada, Mas’uuliyiinta Dowlada iyo Dhalinyarada u badan Qurba joogta.

75340cookie-checkKhasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Maqaayada Muqdishu