Naftii-halige Isku Qarxiyay Degmada Shangani

Somalia news

Warar hordhaca ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay Bar ku yaal Degmada Shangani Ee Magalaada Muqdisho kaasoo warar kala duwan kasoo baxayaan….

Wararka Ayaa sheegaya inQaraxaan uu ahaa ismiidaamin iyadoo uu fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray, kaasoo la sheegay inuu ka dhacay Baar lagu magacaabo Shanta Geedi Ee Degmada Shangaani.

Xaafada Shanta geed ee degmada Shangaani ayuu qaraxa ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku dhaw xarunta Degmada Shangaani, waxaana la sheegay inuu khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo.

107650cookie-checkNaftii-halige Isku Qarxiyay Degmada Shangani