Doorashada Macmalka Ee Baydhabo Oo Laga Digay

Somalia news

Iyadoo Maanta lagu wado in Magaalada Baydhabo lagu qabto Doorashada dadban ee 3-da kursi oo ka mid Aqalka Sare ee Federaalka ahna qeybtii ugu dambeysay 8-dii Senatorada ku matalaaya Maamulka Konfur galbeed, inkastoo laga digay maamul xumada hareysay…

Doorashada ayaa lagu wadaa in Wasiir ka mid ah Dowladda Federaalka ku weyso kursigeeda Xildhibaanimo, iyadoo lagu bedelay xubin kale (Walaalkeed), halka Wasiir kale la filaayo inuu si fudud ku soo baxo.

Laftagareen iyo Saaxiibadiis kale ayaa macno tiray Doorashada dadban, iyagoo ka dhigay magacaabis la sii ogyahay xubinta ku soo baxeysa Senatornimada, waxeyna u xireen Siyaasiyiin ah wataan kana reebaan Xubnaha kale.

Dhanka kale, Waxaa qeylo dhaan laga keenay Faragelinta ay ku Hayaan Doorashada Taliyaha Asluubta Mahad Cabdiraxman iyo Horjooge Cabdullahi Kulane (Jiis-Mareexaan), iyo Maleeshiyaad ay wataan kuwaasoo caburis, cabsi gelin iyo Xarig sharci darro ah ku haya Dadka degaan Magaalada Baydhabo.

135080cookie-checkDoorashada Macmalka Ee Baydhabo Oo Laga Digay