Cabsida Ku Shubashada Iyo Caqabadaha Cusub Ee Doorashada

Somalia news

Iyadoo ay dhowaan Go’aamiyeen Maamulka Farmaajo Iyo Madaxda Gobolada Dalka in Dalka Laga qabto Dhamaandka Sanadkaan ilaa 8-da February Doorashooyinka, doona saareen Jadwal taariikheysan, Ayaa Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka qaarkood ayaa ka digay in Doorashada ay noqoto kuwii Uu Maamulka Farmaajo u qabtay Konfur galbeed iyo Galmudug oo Musuqmaasuq iyo ku shubasho ay hareeyeen…

Waxeyna Siyaasiyiinta qaarkood ay sheegeen in Heshiiska uu soo daahay, wuxuuna ugu yaraan hoos u dhigay cabsidii muddo kordhinta iyo hubanti La’aanta Mustaqbalka Siyaasada iyo Doorashada, hase yeeshee waxaa soo if baxaaya jid-gooyooyin cusub kuwaasoo carqaladeyn kara Doorashada, hadii aan laga fiirsan loons talo badsan go’aano wadajir ahna laga soo saarin.

Xiisada Ciidamada Gobolka Gedo:-

Maamulka Jubbaland oo heshiis aan la shaacin la gaaray Villa Somalia ayaa soo saaray digiino in la hirgeliyo Heshiiska laga Gaaray Ciidamada Dowladda Federaalka ay geysay degmooyinka Luuq, Doolow iyo B/Xaawo, iyadoo Ujeedada uu Mr.Farka leeyahay Ciidamadaasi ayaa lagu fasiray inuu si dadban u maamulo marka uu ka dego Xilka Madaxweynanimada isla markaasna ku dhawaaqo Jabhad hubeysan oo carqaladeysa Maamulka Dowladda Federaalka ee Doorashada ku guuleysata.

Doorashada Hir-Shabelle:-

Maamulkaan ayaa isku diyaarinaaya inuu Doorashada ka qabto bishaan dhamaadkeeda, waxaana soo shaac baxaaya warbixino la xiriira in Guddi dhinac u badan lagu dhawaaqay oo Doorashada diyaariya, waxaa sidoo kale diiday Jadwalka ay soo saareen Guddigaasi Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-shabelle iyo Inta Badan Xisbiyada Mucaaradka Ee degaanka ka soo jeeda.

Ilo Xogogaal ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Qorshahaan ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia iyadoo la adeegsanaayo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka, waxaana la qorsheeyay in Mr.Guudlaawe loo magacaabo Madaxweynaha Maamulka halka kuxigeenka la siiyo Xubin ka soo jeeda Beesha Xawaadle.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaano Taageersan Villa Somalia oo doonaya iney afduubtaan Doorashada Ayaa Villa Somalia Dhaqaale ku bixisay si ay u taageeraan Qorshaha cusub Ee La doonaayo in wax looga bedelo qaab dhismeedka uu haatan ku shaqeeyo Maamulka Hirshabelle, waxeyna taageero ugu raadinayaan sidii danahooda gaarka ah ugu hirgeli laheyd si ay u baabi’iyaan danta Guud.

65350cookie-checkCabsida Ku Shubashada Iyo Caqabadaha Cusub Ee Doorashada