Puntland Oo Farmaajo Ku Eedeysay Maalgelinta Dacaayado

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Degaanada Puntland ayaa sheegaya in Afhayeenka Dowlad goboleedka Puntland uu Madaxweyne Farmaajo ku eedayay inuu dhaqaale ku bixiyo dacaayad ku salaysan difaacidda Shabaab…

Afhayeenka Mr.Jaamaca Daparani oo Qoraal kooban uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay, ayuu ku sheegay in Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday (Farmaajo) uu dhaqaale ku bixiyay sawir-gacmeed muujinaya arrintaas.

Deperani ayaa tilmaamay in sawir-gacmeedkaas looga been-sheegay xogta ku saabsan 18 nin oo dhowaan Puntland ku fulisay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Shabaabka.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, saacado kadib markii farshaxaniiste Amiir Caamir uu soo saaray sawir loo ekaysiiyay Madaxweynaha Deni oo gacantiisa ku tooganaya dad ku qaylinaya in aysan Shabab ahayn.

126990cookie-checkPuntland Oo Farmaajo Ku Eedeysay Maalgelinta Dacaayado