Halista Amniga Isaaq Vs Daarood: Hanjabaadaha Colaadaha Beelaha & Cabsida Dagaal Wajiyo Badan..

Africa News Security Somalia news

Maamulka cusub ee Somaliland ayaa xiligaan u taagan yahay isgoys halis ah, iyadoo Maamulka uu la kulmeyaayo tiro Dagaalo Beeledyo xiriir ah oo aan ku ekeyn sodimeheedu keliya, balse sidoo kale waxaa heysta halista duulaano iyo go’doomin la kulmi karaa go’doomin Dekedeed iyo hoos u dhac kobaca dhaqaalaha…

Macluumaad Sirdoon ayaa daaha la rogaaya in Maamulka Hargeysa hadii aysan ka fiirsan, Falanqayn taxadir leh ku eegin loona dejin qorshe cad uu wajihi doonaan burbur ku yimaada Nidaamka jilicsan ee qabaliga ku dhisan, iyadoo Dagaal Beeleedyo maryo dhiig leh lagu kala furtay uu Maamulkii hore ka galay Degmada Laas caanood.

Saansaanta muuqata ayaa laga yabaa iney dagaalo beeleedyo ka qarxaan Degmada Ceyrgaabo oo laba u kala qeybsan, inkastoo xiligaan ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka Beesha Dhexe, halka kuwa Harti (D-5) oo magaalada looga itaal roonaaday ay ku jiraan abaabulkii ugu dambeeyay sidii Qeybta Bariga oo degaan lahaayeen iney soo ceshadaan.

Aaga Degmada Buuhodle oo saarsn Xadka Ethiopian  iyo Bali Dhiig ayaa Aag kale oo la isku horfadhiyo ayaa saacad kasta daryaanka rasaasta iyo Maarta laga filan karaan, Deegaanka Faafan Ethiopia ayaa noqon karta furin kale oo dagaalo lagu hoobtay ay dhawaan ka dhaceen dib u soo cusboonaan kara, khalkhalna gelin Amaanka iyo degenaanshaha Degaanadaan.

Dagaal Dhaqaale:-

Iyadoo xiisadaha Abaabulka iyo colaadaha Beelaha Daarood iyo Isaaq  ay sii kordhayaan, waxay sidoo kale socda dagaalameysaa dagaal dhaqaale iyo go’doomin la ka damacan yahay in Dekeda Berbera culeys lahu saaro Ganacasatada Badeecadaha kala soo dega u wareegaan Dekedaha Boosaaso iyo Garcad. ku darsoo Ethiopia waxay doonaysaa inay isticmaasho Wadooyinka Dhulka, Cirka iyo Badda ee Somaliland iyadoon aqoonsanayn qaranimadeeda.

Shirqoolka D-5: Qeybaha ka Dambeeya

Isbahaysigaan, la magac  baxay “Kooxda D5 ee Bariga Afrika,” ayaa u muuqda inay xarkaha u jiidayaan Deni iyo Kooxo daaha gadaashiisa ka hagaaya Axmed Mafoobe, waxaana ka mid sh Oromada Ethiopia, Puntland iyo xulafadooda gobolka, kuwaaoo dhamaantood ka wada shaqaynaya khalkhal gelinta Somaliland oo ay u diidayaan faa’iidada kheyraadka iyo goobta istaraatiijiga ah.

355570cookie-checkHalista Amniga Isaaq Vs Daarood: Hanjabaadaha Colaadaha Beelaha & Cabsida Dagaal Wajiyo Badan..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *