Sidee Ayery u Kala Qeybsadeen Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada 40-Kun Ee Ciidamada Boliiska…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan 3-Maalmood uga socday magaalada Mogadishu Wasiirada Amniga loogana doodaayay “Hirgelinta Heshiiska Amniga Qaranka ee Daadejinta Maamulka iyo Tayenta Ciidamada Boliiska”, iyadoo laga soo saaray Go’aano ku aadan Qeybsiga Tirada Ciidamada Cusub ee Boliiska..

Kulankaan waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada/ Amniga ee Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, Taliyayaasha Boliiska Gobolada & Taliska Guud ee Boliiska, La-Taliyayaasha Amniga ee Xafiisyada kor ku xusan iyo Saaxiibada Dalalka Taageera Boliiska Soomasliyeed.

Xogtaan ayaa Wasidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ujeedada Kulankaan uu salka ku hayay sidii loo qeybsan lahaa 40-Kun oo Ciidamo cusub oo Boliiska Soomaaliyeed loo qoraayo Dhawaan, iyadoo loo kala qaatay Dowlada Federaalka oo loo qondeeyay 20-Kun Askari, halka Maamulada Gobolada loo qorsheeyay wadarta guud 20-Kun Askari oo ay qeybsan doonaan.

286770cookie-checkSidee Ayery u Kala Qeybsadeen Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada 40-Kun Ee Ciidamada Boliiska…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com