Qarax Xoogan oo ka dhacay Isgoyska Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo saakay ka dhacay Isgoyska Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamada Amaanka la sheegay iney ka hortageen nin la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo doonayay inuu xoog kaga gudbo isgoyskaasi.

Wararka ayaa sheegaya iney isku dayeen inay ismiidaamiyaha joojiyaan, balse uu si lama filaan ahayd ugu qarxay goobtaasi, oo ku dhow Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninkaasi uu la socday gaari uu noociisu ahaa Leyla Calaawi, isla-markaana uu ku qarxay darbiga Waaxda Dhulbixinta ee Dowladda Hoose ee Xamar oo ku taala ka soo horjeedka isgoyskaasi.

Ciidamada ayaa Isgoyska Ifka Xalane ku leh bar kontorool oo lagu hubiyo amniga gaadiidka doonaya iney magaalada uga soo gudbaan dhanka Waddada Warshadaha, Ciidamo fara-badan oo ku baxay goobtaasi ayaa xiray waddada, waxayna hakad geliyeen isu socodkii halkaasi ka jiray.

iyadoo Qaraxa la sheegay inuu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan macluumaad sax ah laga hayn inta uu khasaaruhu le’egyahay, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha Amniga ayaan weli ka hadlin qaraxaasi, oo ay Shabaabka sheegatay.

273350cookie-checkQarax Xoogan oo ka dhacay Isgoyska Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho..