Haweenka Oo Qeylo Dhaan & Walaac Ka Muujiyay Qoondadooda Siyaasada

Somalia news

Doorashada dadban ee Somalia si jiitanka ah looga wado ayaa waxaa hareeyay Mugdi badan ayaa xilligan, Qoondada siyaasadda Haweenka Soomaaliyeed ee boqolkiiba 30-ka ah, waxaana wel-welka ugu badan muujinaya, qeybaha kala duwan ee Ururada ay ku bahoobern Haweenka…

Macluumaad la helay ayaa muujinaaya in Qoondada Haweenka ee siyaasadda, aan Sidii la rabay loogu gorfeyn shirkii ugu dambeeyay ee ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran, waxeyna farta ku godeen in arrintaasi ay ka dhalan karto guux weyn, hadii ay waayaan saamigii loo qorsheeyey in ay siyaasadda dalka ku yeeshaan.

Guddi Ergo ah Oo ay Haweenka iska soo dhex xuleen, oo warbaahinta la hadlay, ayaa tibaaxay in ay ku guuldareysteen haweenka, la kulanka Madaxda Dowlad Goboleedyada, kuwaasoo ay ku eeddeeyeen iney ka caga jiideen kulamadii ay ka dalbadeen, Waxey ugu digeen Maamulada Dalka, iyo dhinacyada siyaasadda, in la boobo kuraasta gabdhaha loo qoondeeyey, iyagoo xusay in aysan ka hareynin maamulkii miiska soo saari waaya, mataalada siyaasadeed ee Haweenka.

162560cookie-checkHaweenka Oo Qeylo Dhaan & Walaac Ka Muujiyay Qoondadooda Siyaasada