Gudoonka Golaha Amaanka Oo Qoraal Ka Soo Saaray Codsigii Dowlada Federaalka Somalia..

Somalia news

Qoraal ay soo saareen Golaha Amniga ee QM ayeey kaga jawaab celiyeen Dalabkii Villa Somalia, ee ahaa in dib loo dhigo bixida 3,000 Askari oo kamid ah ATMIS, kuwaasoo sida qorshuhu ahaa bixi lahaa dhammaadka Bishaan, markii Hogaanka Dalka uu ka bixitaanka ka muujiyay walaac Amni…

Qoraalka UN-ka, ayaa lagu xusay in codsiga Dowladda Federaalka uu gaaray Golaha Amaanka, ayna kala hadlayaan Midowga Africa oo ay Ciidamadaan hoostagaan, sidaas oo kale Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka ayaa lagu booriyey in marka hore ay Golaha Amniga iyo Nabadgalyada Afrika codsigeeda kala hadasho.

Warqadaan, waxa kale oo la faray Hay’adda UNSOS, in ay sii wado taageerada Cuntada, Shidaalka, duulimaadyada iyo taageerada Saadka ee ciidamada ATMIS ay siinayso, taas oo ku ekaanaysa ilaa 31-ka bisha October, waxay ka dhigan tahay waqti kayar intii ay Dawladda F. Soomaaliya dalbatay oo ahayd dhammaadka sannadka.

Ciidanka taageerada UNSOS, ay sii wadi doonto ayaa ah 17,626 Askari oo ATMIS ah, ayna ku jiraan 1040 Askari oo Boolis ah iyo 15,900 oo ah ciidamada xoogga dalka, UNSOS, ma bixiso Musharaadka Ciidamada waxaana wali la eegayaa jawaabta Midowga Yurub laga filan karro oo ah lacag bixiyaha tooska ah.

279600cookie-checkGudoonka Golaha Amaanka Oo Qoraal Ka Soo Saaray Codsigii Dowlada Federaalka Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com