Galmudug & Hir-Shabelle Oo Tiradii Ugu Badneyd Oo Doorasho Qabanaayaan

Somalia news

Waxaan Falanqeyn ku dul istaagi doonaa 31-Kursi ee shaaciyeen Maamulada Hir-Shabelle iyo Galmudug, kuwaasoo qaarkood dib loo dhigay kadib markii culeysyo beeleed ay soo baxeen halka kuwo kale si hoose loogu heshiiyay Qaabka loo kala qaadanaayo…

  1. HOP#064: Waxaa ku fadhisa Sahra Cumar Maalin – WACAYSLE – waxaana lagu wadaa inuu qaato Mr.Mohamed Cajiib oo 2016 kursigaasi laga dhacay lagana dhigay qoondo dumar balse Sanadkaan la isku raacay in la siiyo.
  2. HOP#139: Waxaa ku fadhiyay Abdihakim Malin. Senetor Aqalka Sare ayaa loo doortay – waxaana la kursigaasi leh hadda CAYR/CABSIYE – Waxaa tartan dhex mari doonaa Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Ahmed FaaFaale, Abdisamad Hassan iyo Cabdimaalik Yuusuf Shabelle, balse xalay kulan Dhuusamareeb ka dhacay oo ganacsatada waa weyn ee Beesha Ceyr la yeesheen Madaxweyne QoorQoor ayay hordhigeen in kursigaasi aan la fara-galin lana siiyo Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah wiil uu dhalay Macalin Maxamuud Guddoomiyaha Ahlusunna taasoo QoorQoor u noqon karta mid maskaxda u dejisa oo dagaalka Ahlusunna ka qaboojin doonta, waana la isku raacay arrintaasi oo xal loo arkay.
  3. HOP#049: Waxaa ku fadhiya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow – MURURSADE HABAR CEYNO – isla Xildhibaankaan Mustafa Duhulow ayaa mar kale loo badinayaa inuu kusoo laabto.
  4. HOP#096: Waxaa ku fadhiya Cabdicasiis Cilmi Cali – DUDUBLE AARSADE – Waxaa maalin cad dafi doona kursigaasi Farhan Ali Halane oo reer Norway ah isla markaana uu dalka keenay QoorQoor-na ka dhaadhiciyay in kursigaan la siiyo Xil. Yuusuf Geelle Ugaas oo saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha Galmudug.
  5. HOP#248: Waxaa ku fadhiyay Mohamed Abtidoon – SALEEBAAN REER MUUSE – kursigaan waxaa dafay Brig Gen Sadak Omar oo beeshaasi isku raacday inaan wax tartan xitaa la galin oo isagana loogu abaal gudo.
  6. HOP#:081: Waxaa ku fadhisa Maryan Cariif Qaasim – MURURSADE – isla Xildhibaadaan ayaa mar kale kusoo laaban doonta oo tolkeeda u daayeen kursigaasi wax tartan adag ahna ma gali doonto oo Guddoomiye Mohamed Gacal kala shaqeeyay
  7. HOP#012: Waxaa ku fadhiya Xildhibaan Yusuf Xayle -TUMAAL – isla Xildhibaankaan ayaa mar kale kusoo laaban doona kursigaasi.
  8. HOP#055: Waxaa ku fadhiya Xil. Sakariye Xasan Sheekh Cali. Beesha Fiqi Maxamed, Sure, DIR – isla Xildhibaankaan ayaa mar kale kusoo laaban doona, waxaana u Campaign gareynaya Guddoomiye Mahad Cawad oo saaxiibo yihiin QoorQoor, wax tartan adag ahna kama dhici doono.
  9. HOP#147: Waxaa ku fadhiyay Mahad Salad – CAYR AYAANLE – kursigaan arrintiisa oo murugeysaned maalmihii dambe ayaa xalay kulan Dhuusamareeb ka dhacay xal laga gaaray, waxaana raadinayay Guddoomiye Cali Yare Cali iyo Musharaxiin kale, balse Ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradba beeshaasi oo xalay QoorQoor la kulmeen ayaa ku qanciyay in kursigooda aan jikada Farmaajo looga shaqeyn doonin isla markaana Mahad Salaad mar kale u dooranayaan inuu ku fadhiisto, waxaana arrintaasi la qaatay Madaxweyne Qorqor balse sheegay in tartan ka dhici doono kursigaasi Mahad-na aan wax fara-galin ah ama caqabad kala kulmi doonin xagiisa, beeshana u madax banaan tahay cida ay dooranayaan, waxaana kusoo laaban doona Mahad Maxamed Salaad.
  10. HOP#007: Waxaa ku fadhiyay Abdullahi Farah Weheliye – DUDUBLE/MAXAMED CAMAL – ninkaan oo hore Madaxweynaha Galmudug isku soo sharaxay ayaa ka tanaasulay kursigaasi, waxaana la siin doonaa Maamulaha shirkadda Coca-Cola ee Muqdisho Cabdirisaaq Coca-Cola balse waxaa la tartami doona wiil Xildhibaan ka ah Baarlamaanka Galmudug oo Xasan Afyare la yiraahdo isla markaana ay wataan Qorqor, Cali Gacal, Dhageey iyo Dhagdheer haddana dhaawac ah oo Isbitaal Digfeer u jiifa dhaawac rasaas ah oo kasoo gaaray dagaalkii dhawaan ciidamada Boliiska iyo Gorgor ku dhex maray Guriceel.
  11. HOP#137: Waxaa ku fadhiya Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahim. – WACAYSLE/CALI GAAF – Waxaa kursigaan dafaya Wasiirka hore Gancsiga Xukuumaddii Kheyre Injineer Cabdilaahi Cali Xasan oo beesha isku raacday in la siiyo maadaama sanadkii hore 2016 xoog iyo awood DJ loogu sheegtay Cadaado.
  12. HOP#138: Waxaa ku fadhiya Saciid Nuur Qayliye Gariish – CAYR\HABAR EJI – kursigaan waxaa raadinaya Wasiirka Gargaarka KG Cabdinaasir Caruush iyo Jen. Indhacadde balse beeshaan waxay isku raaceen in la siiyo markaan Abdirahman Abdishakur Warsame oo ay sheegeen inuu dakano badan galay isla markaana xasaanad u noqon doona kursigaan si mar kale ugu dhicin weerarkii gurigiisa lagu qaaday ee shanta wiil loogaga dilay, waxaana kursigaasi loogu faataxeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur waloow wali Musharaxiinta kale ay diidan yihiin.
  13. HOP#065: Waxaa ku fadhiya Abdiwelli Kanyare – MURURASADE/HILIBI – waxaa kula tartami doona Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda Wasaarada Howlaha Guud ee DFS Eng. Yariisoow, balse waxaa mar kale kursigaasi kusoo laaban doona Cabdiwali Qanyare oo aabihiis AUN Qanyare lagu xushmeynayo loona gartay in kursigaasi lagu sharfo mar kale.
  14. HOP#048: Waxaa ku fadhiya Xil. Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud. – MURURSADE/HABAR CEYNO – isla Xildhibaankaan ayaa mar kale kusoo laaban doona.
  15. HOP#071: Waxaa ku fadhiya Xil. Abdisabir Shurie – SALEEBAAN/ FARAX HEYSOW – Waxaa kula tartami doona kursigaan Sheikh Cabdulqadir Cali Cumar oo 2016 isagoo salaadii Jimcaha ku maqan kursigaasi laga gaaday balse Sanadkaan waxaa kaloo kula tartami doonta Muna Maxamed Diirshe Oo bah-abgaal ka soo jeeda, ninkeeduna Jewish yahay, hooyadeedna Lebanon, Qorqor iyo Farmaajo ayaa wata, Saabir ayaan rajo weyn ka qabin inuu mar kale kusoo laabto.
  16. HOP#051: Waxaa ku fadhiyay Xasan Macalim Maxamuud Sheekh Cali. – MURURSADE/ABAKAR – Waxaa kula tartami doona Guddoomiye ku-xigeenadii maamulka iyo maaliyadda gobalka Banaadir Xuseen Dhagaweyne iyo Ibraahim Dheere, waxaana loo badinayaa in kursigaan oo tartan culus noqon doona maadaama ragaasi la tartamaya Xildhibaan Xasan Macalin uu riixayo Musharax Xasan Cali Kheyre, waxeyna saadaashu u badan tahay in Ibrahin Mahadale ku guuleysan doono.
  17. HOP#053: Waxaa ku fadhiya Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan – MAREEXAN. Kursigaan waxaa loo badinayaa in la siin doono Ali Yasin Gurbe oo balanqaad culus ka heysta Farmaajo, waloow Faarax Cabdi Xasan uu dadaal weyn ugu jiro sidii kursigaasi qoondo dumar looga dhigi lahaa, maadaama xaaskiisa Zamzam hore looga dhigay Senator isagana balan-qaaday inuu baneen doono booskiisa.
  18. HOP#040: Waxaa ku fadhisa Nadiifa Faarax Jaamac. – MAREEXAAN – Aqalka sarre ayaa la geeyey, waxaana la sheegay in booskaan Farmaajo u wato nin qurba joog ah oo saaxiibo yihiin.
  19. HOP#035: Waxaa ku fadhiyay Mohamed Abdulle Farah Geesey – DUDUBLE/AWRADEEN – muddo 12 sanno ah ayuu ku fadhiyay kursigaan balse sannadkaan waxaa galaaftay Dhageey Geelle oo aqalka hoose soo aaday, halka Senetor-kii uu baneeyay Dhageey uu qaatay Wasiirka Maaliyadda GM Farxaan oo isku juffo yihiin, waxaana kursigaan la siin doonaa beel lale oo Duduble ah.
  20. HOP#025: Waxaa ku fadhisa Naciima Maxamed Gacal. – MURURSADE DAGUURO – kursigaan waxaa qaadanaya Guddoomiyaha Dayniile Jacfar Abuukar.
  21. HOP#089 Waxaa ku fadhiya Cabdi Shire Ciyaar Jecel – MAREEXAAN – waxaa kursigaan dafaya maalin cad Wasiirka Caafimaadka ee Galmudug Hon Abdiwelli Jama oo muddo dheer olole ugu jiray kursigaasi.

Kuraasta Hop#141 iyo 146 Oo ay ku kala fadhiyeen Xil Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Maxamed Abuurka Islow (Ducaale) ayaa dib loo dhigay kadib markii Cali Guudlaawe ay culeysyo ku saareen Farmaajo, Sheekh Shariif koox degaanka ka soo jeeda Oo hub iyo Maleeshiyaad ku uruursatay degaanka.

162590cookie-checkGalmudug & Hir-Shabelle Oo Tiradii Ugu Badneyd Oo Doorasho Qabanaayaan