Share the post "HAY’ADDA NISA OO KA DIGTAY SHIRQOOL LAGU KHARIJINAAYO FARMAAJO & ROOBLE "
Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Somalia ee NISA ayaa digniin ka bixisay shirqool sida ay sheegtay Kooxda Argagigixisada Shabaab la beegsan rabaan Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble…
Qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in Hay’addu la wadaagtay Madaxda Qaranka warbixin ku saabsan shirqool lagu beegsanayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Hay’adda NISA ayaa tilmaantay in Fulinta Shirqoolkaas loo xil-saaray horjooge Maxamed Maahir oo ka tirsan Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka.
Hay’adda ayaa sidoo kale caddaysay iney daba-gal ku hayso cid kasta oo ku lug leh shirqoolka Kooxda u maleegayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka, iyadoo sidoo kale ay soo shaac baxayaan hanjabaado uu baraha bulshada soo dhigay qoraalka hoos ku xusan Cabdiraxman Adam.


