Maxaa Ka Jira In Magaalada Dhuusa mareeb Ay Ku Soo Dhawaadeen Shababka

Somalia news

Warbixino laga helay Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Xaalada amaan ee Magaalada laga deyrinaayo, iyadoo ay Magaalada aad ugu soo dhowaadeen maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka, lagana cabsi qabo iney gacanta u gasho, kadib markii Ciidamada halkaasi laga soo qaaday…

Wararka Ayaa intaasi raacinaaya in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mr.Qorqor uu ka gaabiyay in xaalada Amaan Ee Magaalada ka qabto, waxaana lagu eedeeyay inuu ku mashquulay xaaladaha Caasimadda, iyadoo dhowr jeer loogu baaqay inuu wax ka qabto Xaalada Magaalada Dhuusa mareeb.

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu ka hor qirtay Odayaal uu la kulmay in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkiisa ay qarka u saaran tahay gacanta u gasho Maleeshiyaadka Kooxda Shababk,isla markaana maamulkiisu uusan awoodin in uu ka difaaco.

116820cookie-checkMaxaa Ka Jira In Magaalada Dhuusa mareeb Ay Ku Soo Dhawaadeen Shababka