Share the post "Hey’adda OCHA oo ku baaqday in loo gurmado Dadka ay Saameeyeen Fatahaadaha.."
Baaq ay soo saareen Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa ugu Dalalka & Hey’adaha Deeqaha bixiya iney la soo gaaraan gargaar deg deg ah oo lagu taageerayo 45,000 oo Qof oo ay saameeyeen fatahaadaha Somalia…
Baaqaan ayaa lagu xusay in ilaa 4-Qof oo ay ku jiraan2-Carruur ah ayaa ku dhinteen kadib markii ay daadad ay qaadeen, halka in ka badan 45,000 oo qof ay saameeyeen daadad ka dhashay roobab dhexdhexaad ah iyo kuwo lixaad leh oo ku dhuftay meelo kala duwan oo Soomaaliya ah tan iyo 15-kii April.
Hey’adaan ayaa sheegtay in Wabiga Shabeelle uu karaarka jabsaday Isniintii, waxaana ku barakacay in ka badan 6,000 oo qof, waxeyna biyuhu fataheen dhul lagu qiyaasay ilaa 11,000 oo hektar oo dhul beereed ah, Daadadka ayaa dhacay xilli hay’adaha wada shaqaynta la leh, gaar ahaan kuwa aan dawliga ahayn, ay soo food saartay dhimis ba’an oo dhaqaalihii ay ku bixin jireen gargaarka, taas oo aad u xaddidday awooddooda wax ka qabashada baahiyaha soo ifbaxay.
Roobab mahiigaan ah iyo kuwo dhexdhexaad ah ayaa sababay fatahaado xilliyada ugu waaweyn ee roobabka, kuwaas oo socda bilaha April ilaa June waxayna inta badan ka bilowdaan 15-ka April qeybo ka mid ah Soomaaliya iyo buuraleyda sare ee Itoobiya oo ay ka soo butaacaan webiyada Jubba iyo Shabeelle.