Maxey Xiligaan Maamulka Washington ee USA u soo Cusboosiiyeen Digniinaha Amniga ee Magaalada Mogadishu…

Somalia news U.S.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Maamulka Washington ayaa markale todobaad gudihiisa haddana soo cusbooneysiiyay Digniin xagga Amniga ah oo ku wajahan magaalada Muqdisho, waxayna kusoo dareen digniinta hadda goobaha laga dukaameysto ee Shacabka in ay bartilmaameed yihiin.

Madaxweynaha US ayaa xalay saxiixay fulinta amarka 13536, si waafaqsan xeerka awoodaha deg deg ah (50 U.S.C. 1701-1706), si wax looga qabto xaaladda aan caadi aheyn ee Somalia, waxaana markale loo aqoonsaday meel halis ku ah danaha Mareykanka ee Dunida, ayna tahay in lagu maamulo xaalad aan caadi aheyn, oo ay amaradeeda dhinaca Milateriga laga hago, Sida lagu baahiyay Qoraal ay soo saareen.

Dhammaan dhaqdhaqaaqyada Shaqaalaha Mareykanka iyo Muwaadiniintiisa ee ka howlgala Somalia ayaa la joojiyey, qaarkoodna waa la xadiday, halka Xarunta safaarada oo la xiray 9-kii bishan, lama yaqaano sababta ka dambeysa balse waxaan shaki ku jirin Danaha Dowladda Mareykanka ee Somalia in la xadiyay taasina ay sababtay in digniino cabsi gelin ah soo saaraan.

320580cookie-checkMaxey Xiligaan Maamulka Washington ee USA u soo Cusboosiiyeen Digniinaha Amniga ee Magaalada Mogadishu…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *