Laba Dhalinyaro ah Oo Lagu Dilay Degmada Wardhiigley

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Kooxo hubeysan ay xalay Degmada Wardhiigley ee Gobolkan Banaadir ku dileen laba Dhalinyaro ah, kuwaasoo kamid ahaa dadka kunool degmadaasi, iyagoo dilalka kadib goobta ka baxsaday…

Falalkaan dilka ah oo dhacay saacado kala duwan ayaa labada dhalinyarada ah ee la dilay waxaa kamid ahaa Wiil lagu Magacaabi jiray Cabdifitaax Black, waxaana sababaha dilkooda lagu sheegay inay ka dambeeyeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanaya.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay waxaa lagu dilay tobaneeyo dhalinyaro ah, kuwaasoo sababsaday Kooxo Burcad ah oo doonayay inay ka dhacaan mobelada iyo wixii kale oo ay wataan, waxaana dilalkaas weli waxka qaban la’ laamaha Amniga Somalia.

176560cookie-checkLaba Dhalinyaro ah Oo Lagu Dilay Degmada Wardhiigley