Deni Oo Diiday in Ciyaartoy ka Soo jeeda Degaanada Puntland ka qeyb galaan Ciyaaraha Gobolada…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa amar uu soo saaray kuna mamnuucay Madaxweynaha muddo xileedkiisu gababsiga yahay ee Maamulka Puntland (S.Dani) in Xulka Ciyaartoy ay ku metelaan Degaanada Puntland tartanka Ciyaaraha Gobolada oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Mogadishu…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Go’aankani uu fajiciso ku noqday Bahda Sportiga Puntland, iyadoo Xiriirka iyo dhalinyaradu ay aad u daneynaayeen iney kaqeyb galaan Tartankaan degaanadoodina ku metalaan, Iyadoo falanqeeyayaasha Arrimaha gudaha ku tilmaameen go’aankani mid salka ku haya arrimo siyaasadeed iyo dano Shaqsi ah oo Mr.Dani kala dhaxeeyo Hogaanka Villa Somalia.

Dhawaan ayaa la filayaa in Tartankaasi la qabto iyadoo lagu wado iney ka soo qeyb galaan Dhalinyarada Maamulada Gobolada Benaadir, Galmudug, Hirshabelle, Konfur galbeed, Jubbaland iyo Maamulka Khatumo, wuxuuna ka dhacayaa magaalada Mogadishu.

Dhanka kale, waxaa magaalada Boosaao ka socda qabanqaabada kulan lagu wado in la qabo 1-da November, kaasoo ay isugu imaan doonaan Odaaysha Dhaqanka Gobolka Bari, waxaana laga sugayaa go’aamo horseedi kara in Dadka Hayaanka iyo kuwa Degaanka u dhashay Raali ahaansha in la noqdo Muwaadinka heerka 2-aad oo ay ku jiraan Qaxootiga Ethiopia.

284230cookie-checkDeni Oo Diiday in Ciyaartoy ka Soo jeeda Degaanada Puntland ka qeyb galaan Ciyaaraha Gobolada…