Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan adag oo ka dhacay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda, kaasoo u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia ( Farmaajo) iyo Madaxweynayaasha Uganda’s (Musaveni), Madaxweynaha Ghana iyo Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahmat…
Kulankaan ayaa sida xogaha Uu Warsidaha Diinah.com news ka helay ayaa sheegaya in Mr.Musaveni uu ku eedeyay Mr.Farmaajo in hab-dhaqankiisa uusan aheyn mid lagu yiqiinay Hogaamiyayaasha Africanka, isagoo ula jeeday iney ugub tahay in Madaxweyne Afrikan ah uu ka AU-da dalbado dhexdhexaadin isla markaasna uu diidmo ka keeno natiijada ka soo baxday codsigiisa.
Wararka ayaa sheegay in Madaxda uu la kulmay Farmaajo loogu sheegay in Go’aanka Ergayga uu yahay mid cad isla markaasna ay u soo diri doonaan Magaalada Mogadishu si uu dhinacyada Siyaasada Dalka kala shaqeeyo, iyadoo sidoo kaloo lagu wargeliyay (Farmaajo) in go’aankaan la la wadaagi doono USA, EU-da, UK, iyo UNSOM.
Qaar ka mid ah Midowga Musharixiinta oo qoraalo ay soo saareen ku cadeeyay in Talaabada Farmaajo Ee Warqada Diidmada ah Ee Ergeyga cusub ee Somalia ay tahay mid uu ku doonaayo inuu hoos u dhigo Doorka uu ku leeyahay Wasiirka 1-aad Ee Xukuumada xil gaarsiinta (Rooble).