Mursal & Xubno Kale Oo Dadaalo Ugu Jira Sidii Loo Horistaagi Lahaa..

Somalia news

Eedeymo xoogan ayaa loo jedinaaya Gudoomiyihii hore Ee Baarlamaanka 10-aad iyo Laba Madaweyne Dowlad goboleed kuwaasoo Olole xoogan ugu jira sidii loo baajin lahaa in Ikraan Tahliil ay hesho Cadaalad, iyagoo ku garab siinaya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Maxamed Mursal, Qorqor iyo Laftagareen ay heshiis la gaareen Farmaajo iyo Fahad sidii door hormuud ah uga qaadan lahaayeen deminta Kiiska Ikraan Tahliil, waxeyna wadaan Olole xoogan oo lagu carqaladeynaayo in Dembiyada ay galeen Fahad iyo Xubnaha kale Ee NISA ee Afduubka iyo Dilka Ikraan Tahliil.

Sidoo kale Mursal, Qorqor iyo Laftagareen ayaa ku doodaya in dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaariyo Golaha Shacabka, waxeyna shaki geliyeen awoodaha Ra’iisul Wasaaraha ee xiliga kala guurka.

Maxamad Mursal ayaa hore ugu fashilmay hirgelinta qorshayaasha Farmaajo, kuwaasi oo qaarkooda ay halis u geliyey dalka colaad sokeeye, kadib markii uu meel-mariyey mudda-kororsigii labada sano ahaa ee uu dalbaday Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhamaaday.

140160cookie-checkMursal & Xubno Kale Oo Dadaalo Ugu Jira Sidii Loo Horistaagi Lahaa..