Horjooge Shababka Ka Tirsanaa oo Xil Sare Looga Magacaabay Wasaarada Awqaafta..

Security Somalia news

Hogaanka Maamulka Fadhiika ah ee Villa Somalia ayaa u magacaabay Horjooge hore ee maleeshiyada kooxda Argagixisada Shabaabka oo dhiig badan Shacbiga Soomaaliyeed soo daadiyay u magacaabay jago sare oo Dowlada ah, Horjoogahaan oo kasoo goostay kooxdani bishii August Sanadkii 2016-kii..

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Maamulka Xasan Gurgurte oo ku fashilmay in Dalkaan laga suuliyo Kooxaha Argagixisada ayaa u magacaabay Horgale Ibraahim Adan Ibraahim (Nadara) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, ladib markii uu talo ku soo jeediyay Wasiirka Wasaarada Mr.Mokhtaar Roobow Afhayeenkii hore Kooxda Shababka.

Magacaabistaan ayaa ku aaday xili lagu Eedeeyay Maamulka Villa Somalia iney ka gaabiyeen in Xasiliyaan Amaanka Caasimada oo weerar joogto ah ku hayaan kooxaha Argagixisada Shababka, Khabiirada Arrimaha amaanka ayaa tilmaamay in Maleeshiyaadka Shababka ay muddo ku dhex milmeen Xafiisyada Wasaaraha Dowlada ayna horseeday in fashil uu ku yimaado Amaanka Caasimada.

Safarka Nadaara ee Al Shabab ilaa Mas’uul Dowladeed waa mid argagax leh, wuxuu mudfo la-taliye u ahaa Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka, iyadoo magacaabistaan Dad badan u arkaan mid khatar weyn ku ah Amniga Caasimada, taasoo fududeyneysa iney Horgalada iyo Maleeshiyaadka si sahal ah u dhex galaan xarumaha Wasaaradaha kuna yeeshaan adeegayaal u soo tebiya Xogaha, Macluumaadka muhiimka ah iyo qorshayaasha howlgalada dhanka ka ah kooxda Shababka.

339300cookie-checkHorjooge Shababka Ka Tirsanaa oo Xil Sare Looga Magacaabay Wasaarada Awqaafta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

1 thought on “Horjooge Shababka Ka Tirsanaa oo Xil Sare Looga Magacaabay Wasaarada Awqaafta..

  1. Waa yaab:- Talada xumida Xasan Xumow ayaa gaartay in beel uu isugu geeyo Maamulka Xabsiga dhexe oo Shabab ka buuxaan iyo Wasaarada Diinta oo ay Hogaankeedu maamulaan

Comments are closed.