Mas’uuliyiinta & Saraakiisha La Hadal Hayo In La Saaro Cunaqabateynta

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Howlwadeenada Xafiisyada Saaxiibada Somalia ee ku sugan gudaha Xarunta Xalane, ayaa sheegaya iney la diyaariyay liis ay ku qoran yihiin Qaswadayaal (Spoilers), Mas’uuliyiin, Sarakiil iyo Xubno muhiim u ah howl-maalmeedka Madaxtooyada, Gudoonka Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidamada Boliiska, NISA iyo Xoogga Dalka….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Wakiilada Beesha Caalamka ay u direen digniin kama dambeysa ah Horjoogaha Villa Somalia iyadoo loogu baaqay inuu ka laabto Muddo Kordhinta si shuruud la’aan ah, hadii kale la saari doono Cunaqabateyn dhaqaale, Siyaasad iyo xayiraado safarada ah, waxaana la sheegay iney ku wehliyaan Xubnaha hoos ku xusan:-

-Maxamed Mursal Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka iyo Labadiisa Kuxigeen

-Ra’iisul Wasaaraha Xil Gaarsiinta Mr.Rooble

-Kuxigeenka Wasiirka 1-aad Ee Xil Gaarsiinta Mahdi Guuleed iyo tiro Wasiiro ah

-Madaxda Ciidamada Dowladda (Boliiska,NISA iyo Xoogga).

Waxaana loogu goodiyay in Cunaqabateyn iyo xayiraado Dhanka safarada ah la saari doono hadii aysan si deg deg ah uga laaban Muddo Kordhinta sharci darrada ah, waxaana la sheegay in Qorshahaan ay gadaal ka riixayaan Dalalka USA, E.U.-da iyo UK, iyadoo wararkii Ugu Dambeeyay ay sheegayaan in wada xaajood la la yeeshay Hogaamiye kooxeedka soo daahay inuusan saxiixin muddo kordhinta uu fashil ku soo dhamaaday kadib markii uu saxiixay.

110740cookie-checkMas’uuliyiinta & Saraakiisha La Hadal Hayo In La Saaro Cunaqabateynta