Xogo laga helay ka tirsan xafiiska Madaxweynaha ayaa Sheegaya in loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Kullane (Jiis Mariixaan), Shaqsigaan oo 8-bilood ee la soo dhaafay ku magacownaa Xoghaynta Guud ee Agaasimaha NISA Fahad Yasin ayaa kaalin mug leh ku lahaa Abaabulka iyo Qorsheynta ciidamada la geeyay Gobolkaasi..
Kulane ayaa sidoo kale ka mid ahaa shaqsiyaadkii ka danbeeyay dhiibistii Qalbi Dhagax, waxaana Qalbi Dhagax uu ku eedeeyay in uu ahaa shaqsigii amray in la dilo ama xabsiga lagu sii hayo Qalbi dhagax mar uu wareysi siiyay saxaafadda.
Magacaabidda aya imaneysa kaddib markii uu Madaxweyne Farmaajo amray in Xabsiga la dhigo Xubno xilal ka hayay Maamulka Jubbaland ee Gobolka Gedo, oo Muqdisho ku sugnaa maalmahii la soo dhaafay, kuwaasoo hay’adda NISA ay xabsiga u taxaabtay maalintii Khamiista oo ay taariikhda ahayd Febraayo 6, 2020.
Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa heegan geliyay ciidankiisa, iyadoo laga cabsi qabo in uu dhex maro dagaal ba’an ciidamada Jubbaland iyo ciidanka dowladda federaalka ee dhawaan la geeyay gobolka Gedo.