Xog Dheeri ah Oo Laga Helay Naftii-haligihii Beegsaday Ciidanka 14-ka Oktobar..

Uncategorized

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday Ururka 14 Oktoobar ee Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugnaa xerada Kuliyada ee magaalada Muqdisho, iyadoo khasaaraha ka dhashay uu kordhay kadib markii tiro dhaawacyo culus qabay ay geeriyoodeen..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Tirada dhimashada ay sii korortay waxaana la soo werinayaa iney gaareyso in ka badan 40, halka dhaawacuna uu yahay 73, 25-tan ka mid ahi ay qabaan dhaawacyo culus sida ay sheegayaan ilaha amniga iyo qaar ka mid ah isbitaalada, iyadoo Maamulka Xerada lagu eedeeyay inuu dayac geliyay amaanka Xerada.

Hal nin oo Naftii-Halige ah:-

Ilo wareedyo ayaa sheegay in 250 askari ay ku sugnaayeen goobta markii, sida ay sheegeen, nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu soo dhexgalay askarta 14 Oktoobar oo ku sugnaa xerada aroornimadii hore abaare 8.15am waqtiga Muqdisho, waxeyna sugaayeen Laba Sarkaal oo u khubeysa, iyadoo nin dhalinyaro ah oo xirnaa Dharka Ciidamada uuna isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu dhexda ka galay ciidanka oo saf ku jira waxyar ka dib xilliga quraacda kadibna uu isku dhex qarxiyay, ma cadda sida ugu suurto gashay inuu xerada gudaha u galo.

Ciidankaan oo u badan Beesha Biyamaal ayaa la sheegay in dhawaan laga soo qaaday magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku sugnaayeen ayaa in ciidankan loogu soo qaaday tababar magaalada Muqdisho.

268100cookie-checkXog Dheeri ah Oo Laga Helay Naftii-haligihii Beegsaday Ciidanka 14-ka Oktobar..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com