Puntland Oo Ka Tashaneysa Ayaheeda..

Uncategorized

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya In Hogaanka Dowlad Goboleedka Puntland uu qorsheynaayo inuu ku dhawaaqo Goni-isu-taag nooca cusub ah, kadib markii ay dhowaan yeeshaan kulan guud oo Golahayaasha Dowlada, Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ay yeeshaan..

Xogtaan ayaa la qeybsatay Diinah.com ilo loo qaateen kuwaasoo sheegay in Madaxweynaha Puntland Mr.Saciid Cabdulaahi Dani uu In muddo ah waday Qorshahaan, kadib markii lagu guuldareystay waan-waan iyo wada hadalo si hoose u socday oo ay la yeesheen Mr.Farmaajo, waxaana muuqata iney Hogaanka Puntland ka quusteen In  Maamul loo dhan yahay uusan xiligaan diyaar u aheyn In Maamulka Farmaajo.

Puntland ayaa qorsheyneysa iney xiriirka u jiraan Maamulka Villa Somalia, iyadoo ay dhowaan qaban doonaan kulan guud oo ay aayahooda kaga tashan doonaan, kaasoo dhici doonaa Bartamaha bisha Maarso 2020, ilaa hadda Ma cadda Talaabada ay qaadaayaan nooca ay noqon doonto.

15880cookie-checkPuntland Oo Ka Tashaneysa Ayaheeda..