Ma Dhabaa in Farmaajo uu ka Soo Guuray Gurigii uu ka Deganaa magaalada Mogadishu

Uncategorized

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaqaale xumo, Dayac Amni iyo culeyska Kirada gurigii uu ka degenaa Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku qasabtay inuu ka soo guuro isla markaasna uu soo dego todobaadkaan guri cusub…

Xogtaan ayaa Warsidahaan u xaqiijisay in Mr.Farmaajo oo muddo ku noolaa Caasimada Ankara ee Turkiga haatan degaan cusub laga magaalada Dooxa Dalka Qatar, ayaa go’aansaday inuu ka guuro guriga ka degenaa magaalada Mogadishu agagaarka Garoonka Diyaaradaha wuxuuna soo degaan guri aad ugu dhow Xeyndaabka guriga Sheekh Shariif si ay ugu fududaato inuu ka faa’iideysto ilaalada Sheekh Shariif.

Wararka ayaa sheegay in Kadib markii uu ka degay Xilka Madaxweynanimada isla markaasna uu taageerayaashiisa si hoose uga codsaday iney Dhaqaalaha ku baxaaya Guri u gadaan ama u dhisaan si uu u dego, ayaan darrse dhaqaalihii loo ururiyay waxaa dhacay Saraakiishiisii ka hoos shaqeyneysa, isla markaasna mashruucaasi uu ku soo dhamaaday fashil.

Guriga cusub ayaa la sheegay in Bishii kirada ay tahay 2000/2500 US$ wuxuu aad ugu dhow yahay Hoyga Sheekh Shariif, iyadoo la xaqiijiyay inuu (Farmaajo) uu u xushay Hoygaan ka faa’iideysiga Amaanka ilaalada Sheekh Shariif iyo degaanka ay ku badan yihiin Jufada Xaaskiisa, sidoo kale ilaaladiisii intii badneyd la sheegay iney ka kala tageen dhaqaalo xumo awgeed kuwaasoo qaarkood ay si qarsoodi ah ugu dhoofeen Dibeda halka kuwo kale ay ku biireen dagaalka Magaalada Laas caanood.

242650cookie-checkMa Dhabaa in Farmaajo uu ka Soo Guuray Gurigii uu ka Deganaa magaalada Mogadishu