Hormuud Salaama Foundation Oo Deeq Gargaar Gaarsiiyay Qoysas Danyar ah..

Food Somalia news

Maalintii shalay ayeey Howlwadeenada Hey’adda Hormuud Salaama Foundation ayaa qeybisay Deeqaha Gargaarka oo ay ugu talo galeen Qoyaska Danyarta ah ee aan awoodin Afurka Bisha Barakeysan ee Ramadan, iyadoo mashruucaan ay ka faa’iideysteen tiro badan oo Muwaadiniin danyar ah..

Wararka ayaa sheegaya in 100 Qoys ay u qeybisay deeq isugu jirta Bur, Bariis, Sonkor, Saliid & Timir, si ay ugu soomaan inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadan oo 10-ka Maalmood ee hore uu gabaabsi yahay, waxaana Deeqdasn la gaarsiyay xarunta Hey’adda SOHEDA, halkaasoo ay ku sugnaayeen Dadka caawinaada u baahan si looga farxiyo.

Goobaha kale ee Mashruucaan la gaarsiiyay waxaa ka mid ah Xarunta Bukaanada Dhimirka ee Dr.Xabeeb, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo Xarunta SWC, iyadoo Howlwadeenada Hormuud Salaama Foundation ay sheegeen iney u qorsheysan tahay iney xarumo kale gaarsiiyaan Gargaarka inta lagu guda jiro Bisha Ramadan.

363210cookie-checkHormuud Salaama Foundation Oo Deeq Gargaar Gaarsiiyay Qoysas Danyar ah..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *