Saraakiil hore Oo Howlgab ka ah Mareykanka oo gaaray Magaalada Hargeysa

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya, waxaa halkaasi ay gaareen Wafdi Mareykan ah oo ka kooban Mas’uuliyiin hore Oo Howlgab horeyna uga tirsanaan jiray Wasaaradaha Arrimaha Difaaca & Dibeda, waxeyna la kulmeen Muuse Biixi Madaxweynaha Maamulka Somaliland…

Booqashada Wafdigaan ayaa ku soo beegmatay xilli Qalalaase Siyaasadeed uu ka taagan yahay Degaanada hoos taga Maamulka Somaliland, isla markaasna ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata oo tiro Dad ah ay ku geeriyoodeen in kale ku dhaawwcmeen.

Sida ay Warbaahinta qoreen Wuxuu Muuse Biixi uga Warran Ay Wafdigaan horumarka dhinacyada Siyaasada, Amaanka iyo Dhaqaalaha, waxaana ka mid ahaa Wafdiga Mr. Tibor Nagy, Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibeda USA ee Qeybta Africa, Danjire J. Peter Pham, General William “Kip” Ward, Taliyihii hore Ee Ciidamada Africom iyo Mr. Joshua Meservey.

207660cookie-checkSaraakiil hore Oo Howlgab ka ah Mareykanka oo gaaray Magaalada Hargeysa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com