Hay’ad Turkish ah oo u Dhistay Guryo Cagaaran si loo Xoojiyo Wax soo Saarka iyo Horumarinta Beeraha..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhismayaal ay Hey’adda Iskaashiga iyo isku xirka Turkiga ee TIKA oo xarunta Jaamacadda Umadda ee Muqdisho ka hirgelisay labo dhisme oo lagu kobciyo noocyada dalagyada beeraha, iyadoo ujeeddadu tahay sidii loo xoojin lahaa Wax soo saarka Beeraha ee Dalka…

Wararka ayaa sheegay in Dhaqaalaha Dalka waxa uu ku tiirsan yahay tacabka dalagyada kala duwan ee Beeraha iyo Xoolaha, sidaas darteed waa in la hormariyaa oo la taageero howlaha ku saabsan arrimahan ayuu sheegay Ilhami Turus, oo ah Xiriiriyaha TIKA ee Somalia ka sheegtay xafladda furitaanka dhismayaashaan lagu koriyo Jaamacadda.

iyadoo Mashruucaan uu qayb ka yahay Qalabka Beeraha, Bacriminta Dalagyada, Sunta Cayayaanka, iyo mashiinada abuurka iyo goosashada oo sidoo kale Dalka la keenay, ayaan darro Dalka Somalia oo leh 8-Millions oo Dhul Beereed ah ayaa xiligaan ku tiirsan soo dhoofinta 80% Khudaarta iyo noocyada Miraha ay u baahan tahay.

Hey’adda TIKA Waxay sidoo kale ka dhisaysaa suuq furan Degmada Balcad, oo ah degaan istiraatiiji uu ah dhanka Beeraha, iyadoo Caasimada Mogadishu u jirta 30 kiiloomitir (18,641 miles) waqooyi ka xigta, qorshahaan ayaa lagu wadaa hadii uu hirgalo inuu xoojiyo Wax soo saarka Beeraha Dalka.

289130cookie-checkHay’ad Turkish ah oo u Dhistay Guryo Cagaaran si loo Xoojiyo Wax soo Saarka iyo Horumarinta Beeraha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com