Howlaha Diblomaasiyada Iyo ka Ganacsiga Qaadka

Somalia news

Faahfaahin Dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaaradii Rakaabka iyo Qaadka waday ee Shalay laga celiyay Hawada Somalia, kadib markii Maamulka Diyaarada ay ku war geliyeen Saraakiisha Hawada Somalia iyo Kenya in Diyaarada la soo saaray Shixnad Qaad ah….

ilo wareedyo ka tirsan laamaha socdaalka & amniga ee Garoonka Muqdisho ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Diyaaradaasi la soo saaray Booshka Safaarada Soomaalida Kenya (12) Jawaan oo qaad ah, baaritaan iyo dabagal dheer kaddib lagu ogaaday in Qaadka diyaaradda ay soo saartay Saraakiil ka tirsan safaaradda Somalia ay ku leedahay Kenya, waxaana lahaa Qaadkaasi Iska lahaa sarkaal magaciisa lagu sheegay Xabiib Cigaal oo ah Qunsulka Safaaradda, kaasoo ay qaraabo dhow yihiin Mr.Farmaajo.

Sarkaalkaan iyo Koox kale oo qaab Qabiil lagu geeyay Safaarada ayaa ku mashquulsan iney Magaca safaarada u istcmaalaan si ka baxsan shuruucda Diblomaasiyada iyo shuruucda Dalka u degsan, waxey faraha kula jiraan Howlo ganacsi Oo xaraan ah.

50120cookie-checkHowlaha Diblomaasiyada Iyo ka Ganacsiga Qaadka