Horjooge La Dilay Oo Muqaalkiisa La Baahiyay

Somalia news

Maleeshiyaadka kooxda Shababka ayaa baahiyay Muqaalka Horjooge Kooxda ka tirsanaa oo duqeyn looga dilay muddo hore, wallow talaabooyinka noocaan ahi ay ka damacsan yihiin sidii ay u buunbuun lahaayeen Mashaariicda Xag-jirnimada, waxeyna soo bandhigtay Horjoogahaan muuqaalkiisa…..

Horjogahaan ayaa sanadkii 2016-kii lagu dilay duqeyn ay ka geysteen degaanada Konfurta Somalia Diyaaradaha Drones-ka Ciidamada Mareylanka, waxaana magaciisa lagu sheegay CabdulaahiXaaji Daa’uud (alias Yuusuf Xaaji),ka hor dilkiisa, ayuu Horjoogaha hore wuxuu ka soo qabtay xilal kala duwan, waxaana ka mid aheyd Maamulka dilalka dadka rayidka ah ee kooxda ay geysato (Dilalka Qorsheysan).

Khaarijinta Horjoogahaan ayaan soo af jarin ololaha Dilalka qorsheysan, inkastoo muddo dheer lagu raad joogay (5-sano) sidii loo dili lahaa ama loo soo qaban lahaa waxaana madaxiisa la dul dhigay 5-millions US$. iyadoo Dowlada Mareykanka ayu aqoonsatay “Dhagar qabe khatar ah”, Kooxda Shababka ayaa barnaamij kadiyaarisay iyadoo aan soo hadal qaadin xasuuqa ay u geysto Dadka Rayidka Soomaalida.

55510cookie-checkHorjooge La Dilay Oo Muqaalkiisa La Baahiyay