Ma Dhabaa in Tiro Xildhibaano ah ay ka soo Horjeedaan Dhaarinta Xikdhibaanimo ee Farmaajo

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa tilmaamaya in tiro badan oo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Federaalka ayaa wada dadaal in Guddoonka Baarlamaanka lagu qasbo in la joojiyo Dhaarinta Xildhibaanimo ee Madaxweynihii hore Farmaajo…

Mooshinkaan, oo ay hormuud u yihiin Xubno uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo maalin kahor kasoo laabtay Dalalka Khaliijka, ayaa sabab looga dhigayaa in Farmaajo uusan xaq u laheyn kamid noqoshada Baarlamaanka, iyadoo qorshahan tan iyo xalay laga shaqeynayay.

Villa Somalia ayaa talaabadan u noqonaysaa bilowga dagaal siyaasadeed aan rasmi ahaan loo garan karin hirgeilntiisa, maxaa yeelay wuxuu horseed u noqon karaa Burbur ku yimida Nidaamka Dowladeed ee lagu soo caano maalaayay 9-kii sano ee u dambeysay.

208900cookie-checkMa Dhabaa in Tiro Xildhibaano ah ay ka soo Horjeedaan Dhaarinta Xikdhibaanimo ee Farmaajo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com