Ma Dhabaa In Mooshin Laga Diyaariyay Mr.Kheyre

Somalia news

Kadib markii Fashil iyo mustaqbal Siyaasadeed la’aan Soo wajahday Mr.Farmaajo iyo Kooxdiisa, ayeey bilaabeen iney dardar geliyaan mooshin Xilka looga xayuubobaayo Mr.Hassan Ali Khayre, kadib markii lagu eedeeyay inuu dhinac la saftay Kulankii Dhuusa mareeb…..

Qaar kamid ah Xildhibaanada iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa horboodaya mooshinka si isbadal loogu sameeyo Dowlada Federaalka, Afhayeenka Madaxtooyada ayaa dhowaan qoray qoraal maldahan Oo toos loogu hanjabaayo Mr.Kheyre. (hoos ka eeg)

Xildhibaanada garabka Farmaajo ayaa bilaabay in ay qadka telefoonka ku wacaan xildhibaano kale si ay ugu saxiixaan liiska mooshinka oo hadda maraya 79 xildhibaan tirada saxiixday.

Xogta ayaa tibaaxeysa in Mooshinkaas ay horboodayaan Xildhibaan Abdishakuur Ali Mire iyo Fahad Yaasiin, iyadoo Xilldhibaanka saxiixa Mooshinka loo ballan qaadayo in la siin doono 10-kun oo US$ ah, sida Diinah.com news loo sheegay.

Mr.Farmaajo ayaa ku eedeeyay Mr.Kheyre in uu ka dambeeyay shirqoolkii shirkii Dhuusomareeb, isla markaasna si cad ula saftay Maamulada Gobolada, Warar ayaa sheegaya in Saakay Xildhibaano taageersan Mr.Kheyre ay Soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho.

50060cookie-checkMa Dhabaa In Mooshin Laga Diyaariyay Mr.Kheyre