Howlgalka Midowga Yurub ee Xeebaha Somalia Oo Mudada loo Kordhiyay..

Security Somalia news

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa waxaa shaaca looga qaaday in la kordhiyay mudada howlgalladooda Amniga iyo Difaaca ee xeebaha Somalia, iyadoo la gaarsiyay ilaa 28-ka Febraayo 2027, waxaana sabab looga dhigay muddo kordhinta kororka Burcad badeedka degaanada Puntland Somalia dib uga bilaabay Afduubka Maraakiibta…

Tallaabadani waxaa ka mid ah 3 Howlgal ay Midowga Yurub ka fuliyaan Somalia sida Howlgalka Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ATALANTA, Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Somalia (EUTM Somalia), iyo Howlgalka Awood-dhisidda Midowga Yurub (EUCAP Somalia).

War saxaafadeedka waxaa shaaca looga qaaday in go’aankan uu daba socdo dib u eegis istiraatijiyadeed oo lagu sameeyay hawl-galka Midowga Yurub ee Somalia iyo Geeska Afrika, oo ujeedkiisu ahaa inuu wax ka qabto caqabadaha amni ee soo kordhay iyo kor u qaadida doorka uu ku leeyahay amniga badda.

EUTM Somalia waxay sii wadi doontaa dadaalka ay ku taageereyso horumarinta ciidamada amniga Somalia, qeybta Hawlgalkaan waxa uu higsanayaa inuu u diyaariyo Hay’adaha Soomaaliyeed inay qaadaan mas’uuliyadda amniga dalka mustaqbalka, si waafaqsan Qorshaha Wadajirka ah ee Midowga Yurub iyo Somalia.

353430cookie-checkHowlgalka Midowga Yurub ee Xeebaha Somalia Oo Mudada loo Kordhiyay..