Is-Rasaaseyn Xalay Ku Dhex martay Magaalada Garoowe Koox Cabtooy ah & Boliiska…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn xalay ka dhacday magaalada Garoowe, shaqaaqadaan ayaa la sheegay iney u dhaxeysay Xoogaga Amaanka iyo Koox Cabtooy ah, waxaana ka dhashay khasaare u badan Dhaawacyi rasaaseed oo soo kala gaaray Dhinacdadii isku dhacay…

Wararka ayaa sheegay Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn, iyadoo Dadka dhaawacmay ay labo ka mid ah yihiin Ciidamo Boliis, halka kuwa isugu jiraan cabtooydii iyo Dad Rayid ah oo rasaastu ugu tagtay goobtii ay ku sugnaayeen.

Dhaawacyada ayaa la gaarsiiyay Xarunaha Caafimaadka magaalada Garoowe, iyadoo xaalad kacsanaan ah ay ka jirto qeybo kamid ah magaalada oo ay isku aruursanayaan kooxdii cabtoydii aheyd ee la dagaalamay Xoogaga Amaanka Puntland, magaalada ayaa bilihii u dambeeyay martigelinaysay isu dhacyo dhexmaraya Xoogaga amniga Puntland iyo Kooxo ka ganacsada maandooriyaha Khamriga iyo Xashiishka, kuwaas sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

259890cookie-checkIs-Rasaaseyn Xalay Ku Dhex martay Magaalada Garoowe Koox Cabtooy ah & Boliiska…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com