Hubanti La’aan Soo Wajahday Libintii Boobka aheyd Fahad

Somalia news

Maalinba maalinta ka dambeysa Dalkaan wuxuu cagaha la sii galayaa mustaqbal mugdi hareeyay, Kooxdaan Farmaajo & Fahad ayaa waxey dhiseen kooxo naxariis darran oo dilka la fudud yahay haddana loo geliyay Shaati Xildhibaan si xasaanad loogu helo gabood faladii ay geysteen 5-sano ee u dambeysay…

Dhismaha Dowladnimo ee dalkaan wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo adag si loo dhiso Shacbi leh Shuruuc, Xeerar & iyo nidaam kala dambeyn leh oo cadaalad ku dhisan, marka laga reebo Nidaamkaan kali taliska ah oo qorsheynaaya inuu xoog & xeeladba rabitaankiisa ku meel mariyo.

5-tii sano ee u dambeysay Xukuumada Dooxa oo kaashaneysa Adeegaheeda Magacyada badan leh (Eedeysane Fahad), ayaa dhaqaale badan ku bixineysa sidii Dowladnimada dalkaan loo hoos geyn lahaa Imaarada yar ee Qatar isla markaasna UAE & Sacuudiga loo yareyn lahaa Saameyntooda taasoo dib u dhac ku keentay Dowladnimada Somalia.

Hadaba Masiirka Kursiga Hop#086 oo loo boobay Eedeysane Fahad ayaa wajahaaya hubanti la’aan, kadib markii Guddiga Doorashada ee Heer Federaal ay hakiyeen natiijada kursigaasi, iyagoo ku sababeeyay in habraac loo maray & xulasha qaldan, inkastoo Kulan uu Hotelka Decale kula qaatay (Fahad) Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

170760cookie-checkHubanti La’aan Soo Wajahday Libintii Boobka aheyd Fahad