Hubanti La’aanta Doorashada Somalia..

Politics

Warbixino uu ka diyaariyay Doorashada Somalia Wargeyska The Article, ayaa diirada lagu saaray Higsiga Qaranka ee Sanadka 2020/21 ee doorashada Somalia iyo hubanti ahaan aan dhici karin…

Wargeyska ayaa qiray caqabado iyo Qodobo muhiim ah oo ku gedaaman qabsoomida Doorashada, waxaana tusaale ahaan uu u soo qaatay Xaalada Amni, Khatarta Kooxda Shabaabka khilaafka Sharciyada iyo Dhaqaalaha, iyadoo su’aalo badan laga keenay xeerarka Doorashooyinka iyo Xisbiyada, Sidoo kale Qabyo qoraalkaw(Dastuurka), ayaa ka mid ah Qodobada cunaha qaban kara yoolka 2020/21.

“Maadama ay xiligaan aad u hooseyso Dimuqaraadiyada Somalia fursada ay ku hirgeli karto Doorashooyinka guud ee dhamaadka sanadkaan 2020 Waa mid qiyaasti eber ah, ayaa lagu weexay warbixinta Wargeyska.

Machadka Heritage oo xoojiyay dooda ah ineysan xiligaan dhici karin Doorashooyinka, ayaa u cuskaday Dhaqaale yari ( Inkastoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ay sheegtay iney u baahan yihiin 52-millions US$), Sharciyadii kabi lahaa oo aan la diyaarin, Amniga oo xiligaan aan u liita, Khikaafyo iyo dagaalo u dhaxeeya Maamulada iyo Villa Somalia weli aan xal laga gaarin.

Ugu dambeyntii Wargeyska ayaa ku qiimeeyay Doorashooyinka Somalia ee sanadka 2020/21, “tan ugu adag” ee ka dhaceyso qaarada Africa waxeyna ku sifeeyeen “Geedi socodka Soyaasada oo aan heegan u aheyn hadafka”.

20250cookie-checkHubanti La’aanta Doorashada Somalia..