IGAD Oo Guddi U Direysa Xuduudaha Kenya & Somalia

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Kulankii Jabuuti ay ku yeesheen Hogaamiyayaasha Urur Goboleedka IGAD, waxeyna go’aamiyeen in Khubaro Saraakiil Ciidamo ah kormeer ku tagaan Magaalooyinka Mandheera (Kenya) Iyo Beled Xaawo (Somalia)…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay dhageysteen eedaha Labada Dowladood kuwaasoo isku Eedeeyay iney soo hubeeyeen Maleeshiyaad beeleedyo degaanka ah kuwaasoo xasilooni darro ka wada Xuduudaha labada dhex dhexdooda, iyagoo fuliya weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxeyna dhibaatooyin xoogan ku hayaan Dadka Rayidka ah ee degaanka.

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha gudaha ee Dalalka Kenya iyo Somalia ayaa shaki badan ka muujiyay in Saraakiisha Ciidamada IGAD lagu soo daro Saraakiisha Ethiopia, waxeyna ku fasireen in Ciidamada Ethiopia ay ku sugan yihiin Degmada Doolow Somalia oo Degmada B/Xaawo u jirta 27-KM, isla markaasna aysan xiisadani dhexdhexaad ka noqon karin.

Eegada Saraakiisha Ciidamada ee IGAD ayaa lagu wadaa in marka ay dhameeyaan baarista la xiriirta Muranka Xuduudaha iyo colaadaha u dhaxeeya Kenya iyo Somalia ay dib ugu celin doonaan Madaxda IGAD, kuwaasoo go’aan ka gaari doona sidii loo qaboojin lahaa Khilaafka u dhaxeeya labada Dal ee Deriska ah.

80680cookie-checkIGAD Oo Guddi U Direysa Xuduudaha Kenya & Somalia