Kooxda Argagixisada Shababka Oo Qabsaday Diyaarad kuwa Qumaatiga u kac oo UN-ka u Kireysan..

Somalia news

Warar dheeraaad ayaa laga helayaa Diyaarad kuwa Qumaatiga u kaca oo u kireysan UN-ka Somalia oo cilad farsamo ku timid ayaa ku degtay Degaanka Xiindheere Ee Gobolka Galgaduud halkaas oo ay hesytaan Argagixisada Shababka, waxaana la sheegay iney qabsadeen Rakaabkii saarnaa Diyaarada…

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradaan oo nooceedu ahaa Mi-8 Helicopterka, ayaa ku sii jeeday Degaanka Wisil, waxaana ku timid Cilad Farsamo kuna degtay Degaanka xaabow oo ka tirsan Tuulada Xiindheere, iyadoo ay saarnaayeen 9-Qof oo 6-ka mid ahi ay Ajaaniib yihiin kana mid ah Shaqaalaha UN, iyadoo warar aan xaqiijin ay sheegayaan in Nin ka tirsan Rakaabka Diyaarada la dilay halka 2-kale oo midi Soomaali yahay ay cagahooda maaleen kana baxsadeen.

Wararka ayaa sheegay in Diyaarada ay sida Rasaas iyo saanad Ciidan, Saraakisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in Diyaaradaan cilad ku timid kuna qasbanaatay iney ku degto Degaan ay Maamulaan Shababka, iyadoo Maleeahiyaadka kooxda Shababka ay nolol ku wateen 9-xubnood diyaaradana uga tagay Goobtaasi, wixii ku soo kordha la soco

300060cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka Oo Qabsaday Diyaarad kuwa Qumaatiga u kac oo UN-ka u Kireysan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com