Ciidamada Dowladda Oo Ku Dagaalamay Marka

Somalia news

Xalay waxaa ku dagaalamay magalaada Marka ee Gobolka Sh/hoose ciidamo ka wada dowladda Federaalka. Dirirtaan ayaa soo shaac baxday kadib markii isfahamwaa uu soo kala dhaxgalay ciidamo u abaabul sida maleeshiyo beeleed ah, hase yeeshee ka kala wata Magacyada Ciidamada Guutada 14-aad (Biyomaal) iyo Nabadsugida NISA (HG)…..

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in isku dhacaan uu ka dhacay gudaha magaalada Marka, kaasoo cabsi geliyay Dadka Rayidka ah ee ku nool Magaalada, inta la xaqiijiyay ilaa iyo hada waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday (2askari) oo dhinacyadii dagaalamayay iyo tiro kale oo dhaawac ah, halka dad shacab ah uu wax ka soo gaaray dagaalka, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah.

Sida wararku sheegayaan sarkaal magaciisa lagu soo koobay Maxamed Dalabey ayaa ka mid ah dadka ku dhintay dagaalkaas oo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay aan la ogeyn, sidoo kale ma cadda sababta dhalisay dagaalkan, Maamulka gobolka iyo kan magaaladana kama hadlin weli.

80710cookie-checkCiidamada Dowladda Oo Ku Dagaalamay Marka