Digniino Laga soo Saaray Burburka Dayax-gacmeed Howlgab Noqday

World

Digniino ay soo saartay Wasaaradda Sayniska iyo Teknoolajiyada ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayeey ku sheegtay in la filan karo burburka Dayax-Gacmeed Maraykan oo Hawlgab noqday, kaasoo shalay dul maray Hawada Sare ee Gacan-biyoodka Kuuriya…

Warbaahinta KBS World ee dalka Kuuryada Koonfureed ayaa waxay sheegtay inay Wasaaradda Sayniska ee dalkaasi shalay soo saartay Digniin Qeylo-dhaan ah oo ku aadan inuu Dayax-Gacmeedkaasi dib ugu soo dhici doono dhulka iyo inay Muwaadiniintooda muujiyaan Feejignaan ku aadan Khatartaas la filan karo.

Dayax-Gacmeedka la hadal-hayo inuu ku soo wajahan yahay dhulka ayaa soo dhamaystay Hawlgal uu ku-dhawaad 40 sano ugu maqnaa Hawada Sare, waxaana Hawada Sare loo diray sanadkii 1984-kii, wuxuuna culayskiisa guud dhan yahay 2 Tan iyo 450 Kg, Machadka Kuuriya ee Culuunta Hawada Sare iyo Xiddigiska wuxuu tilmaamay inay jirto Fursad Weyn oo Burburka Dayax-Gacmeedkaasi ku soo dhici doono Jesiirada Kuuriya.

Ma cadda xilliga iyo goobta uu ku soo hooban doono burburka Dayax-Gacmeedkaasi, balse, Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Hawada Sare ee NATO iyo Ciiddanka Cirka ayaa la filayaa inay shaaciyaan Xogta ugu dambaysa ee halka uu ku wajahan yahay haraaga burburka ee Dayax-Gacmeedkaasi.

236290cookie-checkDigniino Laga soo Saaray Burburka Dayax-gacmeed Howlgab Noqday
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com