Is-Balaarinta Kooxda Daacishta ee Degaanada Puntland oo Sare Dhiiri-gelinta Dagaalka Jihaadka Dalka…

Somalia news

Warbixin Amaan ayaa welwel ka muujineysa in qorshaha gaabiska ku socda ee Is-balaarinta Kooxda Daacishta Degaanada Puntland ay sare u qaaday dhiiri gelinta dhismaha kooxaha Jihaadiga ee Dalka ku faafaaya, iyadoo Maamulada Gobolada iyo Dowlada Federaalka iyaga isku mashquulsan yihiin…

Warbixintaan ayaa lagu muujiyay khatarta sii kordheysa ee ka imaanaysa kooxda Daacish ee ka dagaalanta Degaanada Puntland kuwaasoo ku guuleystay ka sifeeyaan Kooxda Shababka, iskuna ballaariyaan saameyntooda Gobolka Bari, Isbalaarintaan ayaa waxaa ka dhashay Khasaarooyin ku yimid kooxda ay iska soo horjeeda ee Shabaabka.

Kooxda Daacishta Somalia ayaa la wareegtay Buuraha Cal Miskaat degaanadaani u ah Kooxdw ISIS goob Istaraatiiji ah oo ay kala soo degaan Saanada, Socotada Ajaaniibta taageersan, Sahayda iyo Saadka, talabadaan oo u fududeysa iney wax kala soo degi karaan xeebaha iyo ilaalinta isku-socodka suurtagalka ah ee Kooxda unugyada ay ku leedahay Dalka Yemen.

Xuuraano loo qaateen ah ayaa ka digay in guulaha Daacish ay ka gaareen Puntland ay adkeyn karaan dadaallada la dagaallanka argagixisada ee Somalia oo dhan, ayna saameyn ku yeelan karaan Amniga Xeebaha degaanadaasi iyo danaha saaxiibada caalamiga ah, Waxaa jira walaac laga qabo in kooxdu ay ku lug yeelato falal burcad badeednimo oo ay la tartanta Kooxaha Degaanka oo dhiiri gelin ka heysta Maamulka Deni iyo kooxda Shabaabka oo looga bartay inay ilaaliso burcad badeeda Soomaalida si ay qeyb uga qaataan lacagaha madax furashada ah.

Iyadoo loollanka u dhaxeeya Daacish iyo Al-Shabaab uu sii xoogeysanayo, ayaa haddana xaaladda amaan ee Puntland iyo guud ahaan gobolka ay tahay mid aan la isku halleyn karin, waxaana sabab u ah khilaafyada danaha shaqsiga ah ee u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo Hogaanka Villa Somalia taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida gobolka iyo dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro argagixisada.

328830cookie-checkIs-Balaarinta Kooxda Daacishta ee Degaanada Puntland oo Sare Dhiiri-gelinta Dagaalka Jihaadka Dalka…